Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Sucuudiga kaga qeybgalay shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Carabta.
Warbaahinta rasmiga ee Shiinaha waxay sheegtay in madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu soo dhoweyn usameeyay Xasan Gurguurte.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu faahfaahiyey qodobada ay labada dhinac ka wada hadleen.
Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Shiinaha kala hadlay dagaallada ka socda qaar kamid ah gobolada Somaaliya iyo xaalada abaar ee ka taagan dalka, isagoona ka codsaday iney u muujiyaan garab istaag buuxa.
Xasan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday intuu kulankaas uu socday arimaha daanta lagu leeyahay xukuumadiisa, isagoona codsaday in Shiinaha uu ka qeyb qaato mashruuca dayncafinta Soomaaliya.
Dhanka kale Xi Jinping ayaa sheegay inuu sii adkeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeera Muqdisho iyo Beijing isagoona balan qaaday in dalkiisa uu garab taaganyahay xilli walba.