Sawirro: Jamciyadda Al Ixsaan oo gurmad raashin ka qeybin ah ka sameysay degmada Wabxo.

Wednesday November 30, 2022 - 11:22:35
Liibaan Jeexoow
Boqolaal qoys oo ku dhaqan degmada Wabxo ee wilaayada Galguduud ayaa ka faa'idaystay mashruuc raashin qeybin ah oo loo sameeyay.
Jamciyadda Kheyriga Al Ixsaan Alkheyriyah ayaa Raashin uqeybisay illaa 450 qoys oo ku dhaqan degmada Wabxo, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshaa degmada ayaa ka mahad celiyay gargaarka loo qeybiyay.

Shacabka degmada Wabxo ayaa isaga barakacay guryahooda kadib markii ay duullaan kusoo qaadeen maleeshiyaad huwan ah oo ay kaabayeen diyaaradaha Drones-ka Mareykanka.

Reer Wabxo ayaa ka qeyb qaatay difaaca degmadooda iyagoo garab iyo gaashaan u ahaa ciidamada wilaayada Islaamiga ah.

Related Items

Update cookies preferences