Shiinaha oo ciidanka Itoobiya ugu deeqay gadiid iyo agab kale oo qiimahoodu kor u dhaafayo $600,000.

Wednesday November 30, 2022 - 07:47:23
Liibaan Jeexoow
Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday ciidanka Itoobiya gaadiid iyo agabyo kale oo amni kuwaas oo ay kamid yihiin gawaarida qaaliga ah ee Corolla Cross, kuwa aaney xabbaddu karin (bullet-proof) iyo qalab isgaarsiineed.
Deeqdan waxaa kale oo kamid ah qalabka baarista iyo dabagalka ee digital forensic. Guud ahaan agabkan ayaa qiimahoodu kor u dhaafayaa $600,000.

 
Safiirka Shiinaha u fadhiya Itoobiya Zhao Zhiyuan ayaa deeqdan ku wareejiyey Taliyaha Ciidanka Itoobiya Demelesh G. Michael. Isla xafladda agab-wareejinta ayuu Demelash ku sheegay in Shiinaha iyo Itoobiya uu xiriir qoto dheeri ka dhexeeyo, deeqdanina ay waxbadan ka taageeri doonto amniga, maalgashiga iyo koboca dhaqaalahaba sida uu hadalka udhigay.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in waxa uu ugu yeeray 'argagixisada' burcad badeedda iyo dembiyada xuduudaha ka dhacaa ay yihiin kuwa sababa hoos u dhaca dhaqaale iyo kuwa maalgashiba.

Ambasaddor Zhiyuan ayaa dhankiisa sheegay in cilaaqaadka labada waddan ay soo taxnaayeen qarniyo, dowladda Shiinuhuna ay wadi doonto deeqaha ay siinayso Itoobiya si loogu hormariyo dib u habaynta hay’adaha dowladda. Dhanka kale xubno kamid ahaa wefdiga shiinaha ayaa indha-indheeyay qaabka ay u socoto wareejinta deeqdu.

Ciidamada Dowladda Itoobiya wuxuu dhaawac xooggani kasoo gaarey dagaalkii gobolka Tigreega ee lagu soo afjarey heshiiskii Koonfur Afrika, waxaana mucaawimadani u muuqataa mid lagu boogo dhayayo dhaawacaas.

Dhanka dhaqaalaha waddanka ayaa isna ah mid aad u liita ka dib saamaynta dunida ee dagaallada Yurub ay keeneen iyo gaar ahaan dagaallada Geeska Afrika.

Dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa ah maalgashadaha koowaad ee Itoobiya waxayna gacan weyn ka geysatay dagaalladii looga adkaaday maleeshiyaadka kooxda Tigreega TPLF


Related Items

Update cookies preferences