Weeraro lagu beegsaday ciidamada Kenya oo ka dhacay dhulka NFD.

Saturday November 26, 2022 - 07:04:00
Liibaan Jeexoow
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay weeraro xooggan oo dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsatay qaar kamid ah askarta dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka DFS.
Ugu horreyn xoogagga jihaadiyiinta ayaa qarax miino la beegsaday askar Kenyaan ah oo ku lugeynayay degaanka Xaragsi ee gobalka Mandheera ee dhulka NFD.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray qaraxaas waxaana degaanka kusoo degay 2 diyaaradood oo helokobtar ah kuwaas oo meydadka iyo dhaawacyada ciidanka Kenya u qaaday Magaalada Mandheera.

Sidoo kale habeenkii xalay waxay ciidamada a Al-Shabaab weerer ku qaadeen fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin degmada Qorofxaraar ee gobalka Wajeer.

Ma jiro wax war ah oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee halkaas kasoo gaaray askarta Kenya.

Dhanka kale wararka laga helayo goblka Hiiraan ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay xalay qarax la beegsadeen maleeshiyaadka DFS oo ku sugnaa buundada weyn ee magaalada Beledweyne.

Related Items

Update cookies preferences