Roobab Dabeyllo wata oo dad ku dilay Sacuudiga.

Saturday November 26, 2022 - 12:09:55
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan Laba ruux ayaa ku dhimatay roobab xoogan oo ka da'ay xeebaha galbeed ee Boqortooyada Sacuudiga waana sida uu sheegay maamulka wadankaas.
Afayeenka Booliska gobolka Makka Al-Mukarramah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jawiga cimilada uu yahay mid aad u halis ah, isagoona shacabka ugu baaqay ineysan kasoo bixin guryaha ilaa xaadu ay kusoo noqoneyso sideedii hore.

Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in illaa iyo hadda ay socdaan gurmadka lagu caawinayo shaqsiyaadkii ay saameeyeen roobabka.

Muuqaalo koo kooban oo lagu baahiyey mareegaha Internet-ka ayaa lagu arkayey jawiga gobolka oo dhamaantiis isku badalay mid uu qarqiyey roob iyo laamiyada waaweyn oo ay buux dhaafiyeen biyo zaaid ah iyo socodka dadka oo gabi ahaanba hakaday.

Waxaana macquul ah iney badato tirada dhimasho maadaama warkan uu yahay mid horo dhac ah oo aan lagu qiimeyn karin cadada saxda ah ee halkaas ku waxyeeloowday.

Related Items

Update cookies preferences