Tobanaan kun shacab ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay dalka Yukreyn.

Saturday November 26, 2022 - 12:02:23
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 15 kun oo qof oo reer Ukraine ah ayaa raq iyo ruux la la'yahay tan iyo markii uu Ruushku weerarka ku qaaday dalkaas bishii Febraayo ee sanadkan.
Warbixin ay soo saartay hay'ad ka shaqeesa doondoonka dadka la la'ayahay ayaa lagu sheegay in dhamaan dadyowgaas la waayey laga bilaabo xiliigii ay dilaacday colaadan soconeysa mudada ku dhow sanadka.

Hay'adaan oo lagu magacaabo ICMP ayaa sidoo kale sheegtay in dadkan lawaysanyahay ay isugu jiri karaan kuwa si xoog ah ay Moscow ugu rartay meela kale ama kuwa ku jira xabsiyada Ruushka ama kuwa la dilay mar hore oo lagu aasay meela fog fog, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxa hay'adaan oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in cadada hada ay soo gudbiyeen markii la fiiriyo qiyaas ahaan ay tahay meel dhaxaad.

" In la raadiyo oo lasoo helo tirada dadka ah ee la la'ayahay waxay qaadaneysaa sanado fara badan, macquulna ma ahan in sidaan sahlan lagu soo helo xitaa hadii uu istaago dagaalkan xoogan" ayaa lagu soo gaba gabeeyey war qoraaleedka kasoo baxay hay'ada.

Related Items

Update cookies preferences