Oggolaanshihii Xasan Sheekh ee Jaadka Miirooga oo khalkhal ka abuurey gobolka Sool.

Friday November 25, 2022 - 07:05:09
Liibaan Jeexoow
Markii Xasan Sheekh ku guuleystey doorashada DF waxa uu dowladda Kenya la saxiixday heshiiskii soo celinta Miirooga oo hore Farmaajo u joojiyey.
Siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwan ayaa kooto loogu xirey Miirooga Kenya. Ganacsade lagu magacaabo Maxamed Jabbuutaawi oo shirkaddiisu ka shaqayn jirtey gobolka Sool ayaa cabasho weyn ka muujiyey jaadka laga soo daabuli doono Kenya taas oo uu sheegay in ay caqabad weyn ku tahay ganacsigiisa. Jabbuutaawi ayaa la arkayey isaga oo ay ku hareeraysan yihiin koox hubaysani.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi uu Xasan Sheekh ka codsadey in la siiyo saami jaadka Miirooga ah markaas oo Xasan u sheegay in aan maamulkiisu awood ahaan ka talin Laascaanood. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sida wararku sheegeen Hargeysa u soo dirsadey wiil uu dhaley oo lagu magacaabo Kooshin kaas oo Muuse Biixi iyo aabbihii isku xirey.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo Cabdi Xaashi ku heshiiyeen in ay shirkad sameeyaan ka dibna qoondo gaar ah la siiyo Muuse Biixi. Hay’adda Duulista ee maamulka Somaliland ayaa Shirkadda lagu magacaabo Urban Company u xirtey jaadka Miirooga ee Kenya in uu soo galo Sool balse ka dib hadalkii Maxamed Jabbuutaawi uu warfdiyeenka kula hadley waxa la hakiyey Miiroogii la geyn lahaa gobolka Sool.

Dadka Soomaaliyeed oo la halgamaya duruuf nololeed oo adag ayaa siyaasiyiintooduna adeegsanayaan tab walba oo ay ku heli karaan xoolo. Jaadka/Qaadka ayaa bahda caafimaadku ku tilmaameen in aanu waxba kaga duwanayn khamriga iyo mukhaadaraadka kale ee lagu halaagsamo.



Related Items