Al-Shabaab: 43 Askari ayaan ku dilnay weerarkii Qaayib, Shan [5] gaarina waan qaniimeysanay [Bayaan]

Friday November 25, 2022 - 10:42:34
Liibaan Jeexoow
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar lagu qaaday xerada maleeshiyaatka DF ee deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo loo adeegsaday gaadiid miineysan iyo dagaal toos ah.
War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu yiri: "Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, waxay ciidamada Mujaahidiintu saakay oo Jimca ah weerar qorshaysan ku qaadeen cadawga ku sugan deegaanka Qaayib ee wilaayada Galguduud. Camaliyad Ishtish-haadi ah ayuu weerarku ku billoowday, kadib waxaa xigay ciidanka Mujaahidiinta oo dhawr jiho ka weeraray maleeshiyaatkii ashahaada la dirirka ahaa ee halkaas ku sugnaa oo isugu jiray murtadiin iyo mushrikiin ah”

War Saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: "Dagaal muddo kooban socday kadib, waxay ciidamada Mujaahidiintu -Allaah fadligiis- jebiyeen cadawgii saldhigga ku sugnaa waxayna gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib. Khasaaraha dhimasho ee cadawga soo gaaray inta ilaa hadda la xaqiijiyay waa 43 dhimasho ah, iyo 51 dhaawac ah”

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkii cagmarinta ahaa ee Qaayib kusoo ganiimeysteen ugu yaraan 5 gaari oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, sidoo kalena gacanta ku dhigtay hub iyo rasaas fara badan.

War Saxaafadeed waxaa lagu yiri: "Waxay Mujaahidiintu dagaalkaas kusoo ghaniimeysteen shan [5] gaari oo ay ku jiraan gaadiidka loo yaqaano Tiknikada, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo uu cadawgu uga cararay goobta. Waxaan Allaah Subxaanahu watacaalaa uga mahadcelinaynaa guusha uu siiyey Mujaahidiinta jidkiisa ku dagaalamaya iyo jabka uu gaarsiiyey cadowga hororka ku ah Shareecada Islaamka”

Dadka deegaanka ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in saaka laba gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu weeraray xero ciidanka DF ku leeyihiin deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kadibna ciidamo hubeysan u daateen xerada, halkaas ay ku laayeen askar aad u fara badan.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DF oo ku aadan khasaaraha saaka ciidankooda lagu gaarsiiyey dagaalkaasi.

Halkan ka degso Warsaxaafadeedka PDF

Related Items