Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka weerar culus lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad huwan ah.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday illaa 2 saldhig oo kuyaal deegaanka Qaayib ee hoostago Baxdo.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilaawday gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu xigay dagaal culus oo labada dhinac dhaxmaray.
Ciidamada Wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka galeen deegaanka Qaayib ayna gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.
wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha'AllaahCiidamada Wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka galeen deegaanka Qaayib ayna gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.