Al Shabaab oo weerar 14 Askari lagu dilay ka fuliyay Jiinka Webiga Shabeelle.

Thursday November 24, 2022 - 16:22:16
Liibaan Jeexoow
sawir hore weerar ka dhacay deegaanka Burdaar
sawir hore weerar ka dhacay deegaanka Burdaar
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in iska hor'imaad culus uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Xawaadley oo bishii lasoo dhaafay ay qabsadeen ciidamada shisheeyaha ATMIS iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

Ciidamada Wilaayada islaamiga Sh/dhexe ayaa weerar jidgal ah udhigay maleeshiyaadka katirsan DF-ka waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara aad u culus.

Ugu yaraan 14 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii maanta barqadii ka dhacay afaafka hore ee deegaanka Xawaadley, goobtii lagu dagaallamay ayaa lagu arkay meydadka ciidamada dhintay iyadoona Al Shabaab ay ka furteen 9 qori AK47 sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Ciidamada lagu beegsaday weerarkan dhiigga badan ku daatay ayaa ku socdaalayay Jiinka webiga Shabelle sida ay sheegeen dad beeralay ah oo warbaahinta lahadlay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in iska hor'imaadka ay barbar socdeen qaraxyo lagu beegsanayay maleeshiyaadka dowladda kuwaas oo geystay khasaaraha ugu badan.

Related Items