Sh.Abuu C/Raxmaan Waaligii hore ee Banaadir oo geeriyooday [Warsaxaafadeed].

Thursday November 24, 2022 - 13:18:04
Liibaan Jeexoow
Sawir hore Sheekh Abuu Cabdiraxmaan
Sawir hore Sheekh Abuu Cabdiraxmaan
Alle ha unaxariistee waxaa geeriyooday Waaligii hore ee Wilaayada Islaamiga Banaadir Sheekh Maxamad Xassan Cumar "Abu Cabdiraxman" iyadoona Xarakada Al Shabaab ay bayaan kasoo saartay.
"Waxaan ummada Muslimka ah guud ahaan, gaar ahaan eheladiisa, asxaabtiisa, ardaydiisa, Mujaahidiinta iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah uga tacsiyeynaynaa geerida ku timid Sheekh Maxamad Xassan Cumar "Abu Cabdiraxman, kaas oo xalay ku geeriyooday wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka.

Sheekh Maxamad Xassan Abu Cabdiraxmaan – Allaha u naxariistee – waxaa uu ahaa shakhsi uu Allaah ugu deeqay cilmi iyo Alla ka cabsi, akhlaaq wanaagsan, geesinimo, deeqsimo iyo jacaylka u gargaarida Diinta Islaamka. Wuxuu soo noqday waaligii wilaayada islaamiga ah ee Banaadir, xilligaas oo lagu xusuusto sidii wanaagsanayd ee uu ugu khidmeeyey bulshada caasimada iyo Jihaadkii adkaa ee uu la galay Saliibiyiinta iyo Murtadiinta. Waxaa la wada xusuustaa wacdarihii isaga iyo ciidamada Wilaayadiisu ka dhigeen dagaalkii Dayniile ee lagu dilay in ka badan 100 askari oo Burundi ah.

Sheekh Maxamad Xassan Cumar " Abu Cabdiraxman” – Allaha u naxariistee, wuxuu si karti leh uga soo shaqeeyey makaatibta kala ah: Amniga, Tarbiyada iyo Tacliimta iyo maktabka Ta’hiilka ee Mujaahidiinta. Waxaa uu soo saaray boqolaal Mujaahidiin ah oo saraakiil iyo mas’uuliyiinba leh kuwaas oo maanta kaalimo muhiim ah ugu jira ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed." ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Halkan ka dhageyso Bayaanka Taczida ee kasoo baxay Al Shabaab PDF

Related Items

Update cookies preferences