Ciraaq oo Ansixisay Istaraatijiyad Cusub oo Lagu Sugayo Xuduudaha uu Dalka Laleeyahay Wadamada Iran iyo Turkiga.

Thursday November 24, 2022 - 07:24:46
MeMo Staff
Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay samaysay istiraatiijiyad ay ku sugi karto xudduudaha ay la wadaagto Iran iyo Turkiga.
o’aankan ayaa yimid ka dib markii Ciraaq ay aragtay duqeymo isdaba joog ah oo ay gaysanayaan dalalka ay deriska yihiin ee Iran iyo Turkiga kuwaas oo ay la beegsanayaan maleeshiyaadka kurdiyiinta ee ku sugan gobolka Kurdistanta Ciraaq.

Hadalkan ayaa xukuumada dalkan ka arimiso kasoo yeeray kadib markii shir jaraaid ay yeesheen kaas oo ay ku qaadaa dhigayeen arimaha ka taagan gobolkaas.

Waxaana kamid ah go'aanada kasoo baxay wada tashigaas in dib loo soo celiyo ciidamadii ilaalin jiray xuduudaha uu dalka la leeyahay wadamada Iran iyo Turkiga, waliba si zaaid ah loo soo xoojiyo maadaama xaalku uu ka adagyahay sidii hore.

Waxaana sidoo kale fadhigaas lagu sheegay in dowlada Ciraaq arinkan ay la kaashan doonto askarta maamulka gobolka Kurdistan.

Ugu dambeyn Labada dhinac ayaa isku raacay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkaas.

"Waxaa soo diri doonaa ciidamo xoojiya askarta dowlada Ciraaq" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Kurdistan.

Related Items

Update cookies preferences