Sarkaal Sare oo Katirsan Askarta ilaalada Kacaanka oo ku dhintay gudaha dalka Suuriya.

Thursday November 24, 2022 - 07:20:29
MeMo Staff
Sarkaal ka tirsan ilaalada Kacaanka Iran ayaa la dilay kadib markii miino ay ku qaraxday xilli uu marayey meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
War qoraal ah oo ay soo saareen ilaalada kacaanka ayaa lagu sheegay in ninka dhintay lagu magacaabi jiray kornayl Daa’uud Jacfari isagoo muddo fog kamid ahaa askarta kacaanka ee Iran.

Waa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhacdadaan lagu tuhunsanyahay ciidamada Yuhuuda ee halkaas ka dagaalanto.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda qeexaya inuu jiro khasaare intaan ka badan oo soo gaaray askarta ilaalada kacaanka Iran ee duullaanka ku jooga dhulalka muslimiinta Sunniga ee Suuriya iyo Lubnaan.

Maamulka Isra'il isagana wali ma'uusan soo saarin wax qoraal oo ay ku cadeynayaan in iyagu ay ka dambeeyaan qaraxan xooggan ee lala beegsaday kornayl Daa’uud Jacfari.

Related Items