Maleeshiyaad Mareykanku tababaray oo lagu dilay duleedka Kismaayo.

Thursday November 24, 2022 - 07:13:12
MeMo Staff
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay dagaal culus oo ay Al-Shabaab ku qaadeen maleeshiyaadka DFS gaar ahaan kuwa Bangarafta oo kasoo baxay magaalada Kismaayo.
Dagaalka wuxuuu sigaar ah uga dhacay Tuulada Yaaq bishaar oo hoostagta deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka Kismaayo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanku tababaray ee Danab loo yaqaan dagaalka looga dilay ku dhawaad Afar askari.

Wararka ayaana intaas ku daraya iska hor'imaad culus uu dhaxmaray ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka iyo maleeshiyaadka Danab, dadka deegaanka ayaa lagasoo xigtay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo lays dhaafsanayay.

Sida ay wararku sheegayaan waxyeello xooggan ayaa la gaarsiiyey gaari cabdi bilaha ah oo ay wateen maleeshiyaadka Danab.


Related Items