Faah Faahin: Dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Thursday November 24, 2022 - 06:50:58
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo duleedka deegaanka Tardo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay shalay halkaas ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka DF-ka iyo kuwa Macaawisleyda oo isku dhinac ah.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ay dagaalyahannada Al Shabaab weerar kedis ah ku qaadeen maleeshiyaadka dowladda.

Goob joogayaal ku sugan halka ay iska galaan Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay meel 6Km ujirta Tardo uu sababay dhimashada 6 askari iyo dhaawaca 10 kale, dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Xalfooley ayaa maleeshiyaadka Macaawisleyda dabadhilifyada ah looga dilay nin sarkaal ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu ay degantahay, gobolka Hiiraan ayaa masarax u ah dagaallo aan kala joogsi laheyn waxaana gobalka ka socda inta badan olole dagaaleedkii uu Xasan Sheekh ku iclaamiyay jihaadiyiinta Soomaaliya.

Related Items