Qarax ay dad Yahuud ah ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Qudus.

Wednesday November 23, 2022 - 16:26:17
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Qudus ee dhulalka Falasdiin.
Ugu yaraan 1 qof Yahuud ah ayaa dhintay 18 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax lagu beegsaday bosteejo gaadiidka laga raaco.

Saraakiisha Yahuudda ayaa warbaahinta u sheegay in boorso lagasoo buuxiyay walxaha qarxa laga dhigay bosteejada kadibna ay khasaara culus ugeysatay dad Yahuud ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidamada Yahuudda lagu daadiyay magaalada Qudus waxayna geysanayaan howlgallo raaf ah.

Inta badan kooxaha Muqaawamada oo ay ugu horrayso kooxda Xammaas ayaa dhaleeceeyay falalka xadgudubka ah ee Yahuuddu ay ugeysanayaan shacabka Falasdiiniyiinta ah iyagoona bogaadiyay qaraxii dhacay.

Related Items