Musharrax Xildhibaan iyo Askari Muqdisho lagu dilay.

Wednesday November 23, 2022 - 16:23:01
Liibaan Jeexoow
Musharraxa Maxamed xuseen Odawaa
Musharraxa Maxamed xuseen Odawaa
Qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir waxaa si xowlli ah uga socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saacadihii lasoo dhaafay rag hubaysan ayaa dhowr qof ku dilay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir sida ay xaqiijinayaan ilaha amniga.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeysan degmada Dayniile ku dileen askari katirsanaa ciidanka dowladda kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Cilmi.

Weerar kale oo ka dhacay xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan ayaa sababay dhimashada Maxamed Xuseen Odawaa [Madhace] oo ahaa musharraxii kursiga Hop33 kula tartamay xildhibaan Yuusuf Kabaalle.

Related Items