Maxay dadka Qowmuluudka sameeya ugusii badanayaan Hargeysa W/Q Warsame Haji.

Wednesday November 23, 2022 - 09:20:56
6062
Liibaan Jeexoow
Muddooyinkan dambe waxaa si xawliya isu soo taraaya una soo if-baxaaya hawl-gallo huursanaa oo ay fulinayeen, dhaqaale adagna ku bixinayeen, hey'adaha gaallada ee dalka ku sugan iyo daba-dhilifyada ku daaban.
Kiristaamayn iyo dhaqan-dooris aan xad lahayn ayaa ku socotay bulshadan muslimka ah tan iyo 1991-kii oo ah markii lagu dhawaaqay maamulka la baxay Soomaalilaan ee sheegtay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya inteeda kale.

Hababka dadka lagu gaalaysiinayo iyo hanaanka loo hir-gelinayo ayay hey’adahu tacab badan galiyeen. Sidoo kale waxay si wayn isugu taxalujiyeen tirtirista dhaqanka suubban ee islaamka iyo faafinta dhaqannadooda foosha xun, ee qoomu-luudnimadu ay ka mid tahay.

Laga soo bilaabo 1991-kii ilaa 2014-kii, hey’adaha gaallada iyo wakaalladaha ay dalka ku yeesheenba waxay hawlahooda khaaska ah iyo ujeedkooda dhabta ah u fulin jireen si hoose oo badi dadweynuhu kaba war-haynin. Iyagoo ka feejigan baraarugga dadka oo xilligaasi dhaamay heerka uu maanta maraayo. Waxaanay taasi dhaxalsiisay in qorshahoodii waagaasi aanu haybsan halkay ku wadeen.

Qorshahaasi socday muddadaa aan soo sheegay haba ka hooseeyo heerkii loo asteeyey, balse wuxuu gaadhsiiyay meel aan uga darin oo ku dhiirisay inay ka kordhiyaan hayaankooda halkii hore, waxaanay daaha ka faydaan xumaantii iyo dhagartii ay hadoodilayeen muddada badan.

2014-ka wixii ka dambeeyey waxaa si xawliya sare ugu kacay hawlihii diin-darrada iyo dhaqan-dooriska. Waxaana si wayn dalka ugu faafay dhaqanka wiswiska badan ee qoomu-luudnimada, kadib markii 2016 uu dalka yimi Anderson Cooper oo ah saxafi khaniis ah oo dhaqanka qoomu-luudka dunida ku faafiya una shaqeeya Telefishan laga leeyahay dalka maraykanka oo la yidhaa CNN.

Cooper ayaa si weyn loo qaabilay. Waxaana dadkii soo dhaweeyey madaxweynihii xilligaasi ee Siilaanyo iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa, kuwaasoo dhammaantood sida la sheegay aan ogayn ujeedka uu daaran yahay socdaalka uu khaniiskani ku yimi dalka, marka laga reebo wasiirkii madaxtooyada ee xilligaasi Maxamuud Xaashi oo sheegay in ninkani uu u yimi dalka sidii uu barnaamij uga samayn lahaa Somaliland.

Ninkan qoomu-luudka ah ayaa aad ugu bogay soo dhawaynta ballaadhan ee loo sameeyey. Waxaanu Somaliland ku amaanay inay tahay meel wanaagsan. Waxaa xusid mudan in mid ka mida wasiirradii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka uu diiday kana yaqyaqsooday inuu salaamo khaniis Cooper. Waxaanu ku eedeeyey inuu dunida ku faafinaayo wax aan wanaagsanayn.

Muddo yar ka gadaal-na waxaa iska soo daba dhacay oo si hal-haleel ah u soo gaadhayey dalka Khaniisiin kale oo heer caalamiya oo rag iyo dumarba leh. Kuwaasoo caan ku ah faafinta dhaqankan khariban ee khaniisnimada ee ah "Inuu ninku ninka fara-xumameeyo” halka "Gabadhuna gabadha fara-xumayso” afka qalaadna loo yaqaan "Lesbian”.

Shantan sano ee u dambaysay ee Madaxweynaha uu ahaa Muuse Biixi, waxaa oodda jabsaday oo aad u faafay dhaqannadan liita ee liddiga ku ah diinteena suuban ee Islaamka. Sidoo kalena waxaa aad u kordhay hawlaha kiristaamaynta oo si toos ah iyo si dadbanba qolooyin ducaad gaallo ah uga hawl-galaan guud ahaan dalka, gaar ahaana magaalada Hargeysa.

Meeshii ugu saraysay ayay dhaqan-xumadu ka maraysaa magaalada Hargeysa. Dhawrkan bilood ee u dambeeyay Boqolaal qof ayay gaadhayaan dadka loo qabtay falkan Qoomu-luudnimada oo kaliya. Si gaar ah haddii aynu u soo qaadano dhawrkan todobaad ee u dambeeyey waxaa kiiskan loo xidh-xidhay dad ka badan boqol Qof waxaana ka mida nin magaciisa ku sheegay Xamse oo sida la sheegay dhawr habeen ka hor bilaysku ka qabteen xaafad ka mida magaalada Hargeysa.

Muuqaal kooban oo waraysiya oo qiyaastii laga duubay markii gacanta lagu dhigay ee ciidanku kusii wadeen xabsiga, ayaa baraha bulshada si weyn ugu faafay. Waxaana barbar fadhiya oo muuqaalka kasoo muuqanaya mid ka mida askartii xidhaysay. Waxaanu ninkani afkiisa ku qiranayaa dhaqan-xumadan khaniisnimada ah ee loo qabtay. Isagoo carabaabay inuu muddo lix bilood ah ku jiray hawlahan, tiro ilaa saddex qof gaadhaysana uu la kulmay. Isla markaana yahay "Top” oo uu ku fasiray "Kuwa wax fuula”.

Baadhitaan aan sameeyay ayaa waxaan ku ogaaday in khaniiskani ka tirsan yahay xukuumadda Muuse Biixi, isla markaana yahay sarkaal dhanka cayaaraha gaar ahaan kubbadda cagta u qaabilsan ama u qaabilsanaan jiray Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Khaniisyadan xabsiyada loo taxaabay waxaa ka badan kooxaha abaabulan ee magaalada iska dhex laafyoonaya ee wadhaaba aan wadan, oo qurba-joog iyo qol-qol joogba isugu jira. Waxaanay wararku tibaaxayaan inay guryo waaweyn oo dhaqannadan foosha xun ku fuliyaan, filimaanna isaga duubaan uga kiraysan yihiin xaafado badan oo ku kala baahsan badi degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa.

Dadkan qoomu-luudnimada lagu eedeeyay oo isugu dhafan qaar la qabtay oo xidhan, qaar aan weli gacanta lagu dhigin iyo qaar inta la xidhay si hoose loo sii daayayba ayaa waxay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada sida, Wadaaddo, Siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay qaarkoodna haatanba ka hayaan dalka, Suxufiyiin, Fanaaniin, Abwaano, Saraakiil ciidan oo taliyeyaal ka mid yihiin, Xildhibaano, Madax-dhaqameed, Askar bilayska u badan, iyo waliba dabaajirta magaalada.

Sidoo kale waxaa iyaguna jira walow tiradoodu aanay badnayn, hablo Lasbians ah oo is-qaba oo iyagana dhawr jeer la soo qab-qabtay lana hor-keenay maxkamadaha dalka. Kuwaasoo sida la sheegay afkooda ku qirtay inay is-qabaan.

Buuni Cabdi oo ka mida dhalinyarada reer Somaliland ee dalka ku sugan xogogaalkana ah ayaa mar uu baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga kaga hadlay arrimahan waxa uu yidhi "Hawshan dawlado waaweyn iyo Ururo caalami ah ayaa ka shaqeynayay, meesha loogu daatayna guri Studio u ahaa ayuu ahaa, kooxdani films ayay duubi jireen lacago ay kula baxaan oo maca filmkooda flash baa lagu siin jirey, qiyaasta numberkoodu waa ilaa 300-qof, sida la sheegayay rag badan oo bulshada Somaliland laga dhex garanayo ayaa ku jira…”

Sheekh Rashiid Cali oo jimcihii lasoo dhaafay ka khudbadaynaya masjid ka mida masaajidda Hargeysa ayaa yidhi "Qoomu-luud (Ninka ninka u tagaya), waxyaabahaasaa aad u soo batay. Waxa u xidhan 106 Qof, sida ay sheegeen hoggaanka booliska iyo guddida Wanaag-farista & Xumaan-reebista...”
Waxaanu Sheekhu carabaabay cidda dhaqan-xumadan dabada ka riixaysa "Mida kale hey’adaa taageeraya, lacag bay siinayaan, markaasaa la odhanayaa iska soo duub Clip yar oo Video ah. Markaasaa kii samaynayay iyo kii lagu samaynayayba ay soo duubayaan…”.

Sheekhu waxa uu bulshada ugu baaqay in caruurta yar yar laga war-hayo, lagana digtoonaado dhaqan-xumadan aadka u liidata, oo uu xusay inay aad ugu faaftay dalka, isla markaana ay haatan u xidhan yihiin dad aad u fara badan oo qaarkood caan ah oo la garanayo.

Guddoomiyaha guddida Wanaag-farista Iyo Xumaan-reebista Somaliland Muuse Jaamac Cabdi oo dhawr cisho ka hor la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey jiritaanka dhaqan-xumadan xadhkaha goosatay ee qoomu-luudka. Waxaanu si dadban u iftiimiyey sida aanu dalka ugaba jirin xeer-ciqaabeed xal rasmiya u noqon kara dambiyada caynkana. Sidaa darteed, isagoo aad uga walaacsan uu si baryootan ah usoo jeediyey ugana codsaday golaha baarlamaanka Somaliland inay shareecada Islaamka xeer uga dhigaan maadaama ayuu yidhi xalka Shareecadu yahay ka kaliya ee lagu suulin karo dhaqankan foosha xun ee Qoomu-luudnimada.

Guddoomiyaha oo ka werwersan halisaha is barkan ee sida gaarka ah ugu gedaaman barbaartii dalka waxa uu yidhi "Waad dareemaysaan, marka waxaa maanta la sheegayo, ninkasta oo maanta dalka ku nooli, niyad-jab weynbaa kaga jira, caruurtiisa soo koraysaa maxay la kulmi doonaan, haddii uu waxani sidan u sii socdo. Markaa waxaanu leenahay, dal la’aan, dad la’aan iyo diin la’aan baa ka imanaysa dhaqannada noocaasa haddii aynu sii eegano…”.

Hoggaanka hawlaha ciidanka booliska Somaliand sareeyo guuto Ibraahim X.Cabdi Maxamuud ayaa laba todobaad ka hor mar uu ka hadlayay munaasibad lagu xusayay sanad-guuradii 29-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Somaliland oo uu ka qayb-galay M/weyne Biixi, waxa uu yidhi oo hadalladiisii ka mid ahaa "Waxa intaa dheer dambiyo eedaysanayaasha lagu eedeeyey Boqol ku dhaw yihiin, oo u baahan halkan inaan ka magacaabo, waa kuwa dhaqan-xumada, ee diinta iyo dhaqanka ummadda Somaliland agains-ka ka ah…”.

Sheekh C/Raxmaan-dheere oo isaguna sanadkii hore si adag uga hadlay falkan foosha xun ee qoomu-luudnimada ayaa yidhi "Waxay ii sheegtay inan ka mida hablihii kasoo baxay shaqo-qaran oo maxkamadaha ka shaqaysa, in maxkamadaheena la keeno, gaar ahaan Hargeysa, xaasas Qoomu-luud ah, sida nin qaba afar nin oo kale sidii dumarka, oo leh 4-tan ba anaa qaba…”.

Ummaddan Ilaahay ku uumay deggaanadan, gaar ahaan inta seed dhanaani ay kusii hadhsan tahay ayaa si weyn uga qaylo-dhaamiyay dhaqan-xumadan xadhkaha goosatay. Waxaanay eedda ugu culus u jeediyeen dhabarkana u saareen Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa, oo ay sheegeen inay tahay obocda soo waaridda dhaqannadan, qaybta ugu badanna ka qaadata faafintooda. Waxaanay xuseen tan iyo 2014-kii oo ahayd markii xaruntan laga furay Hargeysa ay si xawliya oo heerkeedu sareeyo ugu dhex fidday dalka. Iyadoo si dhamaystiran u buuxisay doorkii sumaysnaa ee hey’adaha caalamigu ku lahaayeen hawlahan.

Cali Cabdi Coomay oo ah qoraa reer Hargeysa ah, kana mida bahda qalinleyda kuwooda ugu tunka weyn, ayaa si mug leh oo faah-faahsan uga hadlay eedaha culus ee dul-hoganaya Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa. Waxaanu kusoo koobay qormadan:

"In loo hiiliyo diinta iyo dhaqanka suubban ee Islaamku waa shay waajib ku ah qof kasta oo Islaam ah. Xarunta dhaqanka Hargaysa waxa sannad kasta lagu qabtaa wax loogu magac-daray ‘Bandhiga Caalamig ah ee Buugaagta Hargaysa’. Waxa se bandhigaasi ka xoog badan shakhsiyaad kala duwan oo ka yimaada caalamka. Shakhsiyaadka gaalada ah ee aamisan dhaqanka QOOMU-LUUDKA ayaa beriyihii u dambeeyey ku soo fara badanayey ka qaybgalka bandhigyada buugaagta.

Dhaqanka QOOMU-LUUDKU wuxuu caaqiido diimeed u yahay shabakada shaydaanka ee maanta ugu awoodda badan adduunka. Aayadda 5aad ee suuratul Calaq ee Qur’aanka Kariimka ah waxa ku cad Alle ‘swt’ inuu addoomadiisa baray cilmiga iyo dhaqanka wanaagsan. Diinta la’aanta reer galbeedku waxa ay dib u soo noolaysay dhaqan xumadii hore ee halaagay qoomkii Nebi Luud ‘cs’.

Kiniisad ku taalla Demark ayaa markii ugu horraysay sharciyeysay guurka lamaane isku jinsi ah, oo nuxurkiisu ahaa inay laba nin is-khaniisaan laba naagoodna is-farafareeyaan. Aakhirkii waxa ay maraysaa in la arkay Baadari khaniis ah ‘Gay Bishop’. Abwaan Abshir Bacadle AHU ayaa tixdan dareenkiisa ku cabbiray:

= Dumarka yaan la kala xigin miyaa xuquuqul insaanku?
= Ragga xaas halaga dhigto miyaa xuquuqul insaanku?
= Xalwada diid, xaarka foqo miyaa xuquuqul insaanku?
Haddaba shakhsiyaadka ka soo aflaxay xaurmaha fisqiga iyo dhillaysiga dalalka reer galbeedka ayey xarunta dhaqanka ee Hargaysi inoogu soo casuuntaa mashruuca bandhiga buugaagta Hargaysa. Waxa aynu mid mid u soo bandhgi doonaa shakhsiyaadka aamisan dhaqanka QOOMU-LUUDKA ee lagu soo casuumay bandhigaddii buugaagta Hargaysa:
= Sannadkii 2015-kii waxa xarunta dhaqanka Hargaysa lagu soo casuumay JUDLY KELLY oo ah habar u dhalatay dalka Ingiriiska oo madax ka ah laba urur oo la kala yidhaa WOW iyo SOUTHBANK CENTER. Labaduba waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dhaqanka dheddig dhillo ‘Lisbian’ oo nuxurkiisu yahay inay is-faraxumeeyaan dadka isku sinjiga ahi.

Habartan JUDLY KELLY waxa ay si cad u sheegtay inay gabadh ay dhashay oo la yidhaa CAROLINE ay sannadka dambe u dhisi doonta gabadh kale oo ay saaxiibo ahaayeen. Aroos weyna loo sameyn doono xagaaga dambe. Waxa ay xarunta dhaqanka Hargaysa kulan gaar ah kula yeelatay dumar reer Soomaalilaan ah, waxa ay kala hadashay ma cadda.

= Sannadkan 2019 waxa ay xarunta dhaqanka Hargaysa soo casuuntay gaal madow oo la yidhaa DONALD MOLOSI una dhashay dalka Boostiwaana.

Wuxuu u ololeeyaa dhaqanka Qoomu-luudka ama inay is-faraxumeeyaan dadka isku sinjiga ahi. 28/8/2019 wuxuu gaalkani xarunta dhaqanka Hargaysa ku soo bandhigay filim la yidhaa ‘ WE ARE ALL BLUE’. Waxa se weli maqan nuxur ahaan wuxuu filimku xambaarsanaa. Qoraal u soo dhigay bartiisa Tuwiitarka bishii Juun ee sannadkan ayuu si cad ugu sheegay inuu u ololeeyo dhaqanka Qoomu-luudka.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargaysa oo warbaahintu wax ka weydiisay ninkan Qoomu-luudka ah, ayaa ku af-gobaadsaday ‘ In aanu ogeyn in ninkani u ololeeyo dhaqanka Qoomu-luudka’. Marka laga tago kuwan is-muujiyey waxa weli ay su’aali ka taagan tahay inta qarsoon ee ku jirta dadka la soo casuumay ee aanay cidi ogeyn ee aaminsan dhaqanka foosha xun ee Qoomu-luudka.

Wakhtiyada dalagga beeruhu baxayaan, waxa jira hadhuudh kuwa kale ka madax dheer. Hadhuudhkaasi marka hore wuxuu ku faanaa I ARKAY— I ARKAY, ka dibna dusha ayey shimbiro iyo cayayaan kaga degaan. Dabayshuna kolba dhan ayey u ridaa. Ugu dambeynta wuxuu ku calaacalaa I QARIYAAY—I QARIYAAY. Sidaasi oo kale meel kasta oo Ilaahay lagu caasiyaa waxa ay ku dambaysaa I qariyaay.”.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka muquuratay baaqyadii faraha badnaa ee muddada dhawrka sano ah sida tooska ah iyo sida dadbanba ay bulshada inteeeda damiirku nool yahay ay u diraysay. Taas bedelkeeda, wax ay ka qabato iskaba dhaafoo, Xukuumaddu waabay difaacday xaruntan dhaqan-biiska ah oo dhinacaabay soo saartay. Bal fiiri wasiirka daakhiliga Somaliland Max’ed Kaahin Axmed mar uu ka hadlayey arrintan waxa uu yidhi "Xaruntan dhaqanka, waxa lagu bedbaadinayaa dhalinyarada oo dhaqan-xumadaa lagaga bedbaadinyaa…”.

Difaacistan indho-la’aanta ah, waxaa xukuumadda u sii dheer hagar-daamada, jidh-dilka, xidhista iyo cagajuglaynta ay kula kacdo cid kasta oo soo hadal-qaadda xumaanta ay dalka ka waddo Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa iyo kuwo la mid ah oo iyaga laftarkoodu aan dab yar shidayn sida Hiddo Dhawr iyo Cali Jirde Hotel iyo waliba hoteello kale oo inta badan habeenkii uun shidan, maalintiina xidhan. Kuwaasoo qolalkooda lagu kireeyo saacad saacad tan iyo inta uu Waagu ka baryaayo. Waxaana badanaa kiraysta dadkan qaba ee lagu ababiyey dhaqannada foosha xun ee yalaalugga badan.
Aan idin xasuusiyo Laba qof oo dawladdu si weyn ugu dhibaataysay arrimahan oo kala ah CabdiMaalik Sh. Muuse Coldoon oo qodobada uu xabsiyada badan ku mutaystay ee ilaa maantadaa uu xabsiga ugu jiro ay xaruntani ka mid tahay, taas oo uu marar badan tooshka ku ifiyey. Iyo Sheekh Aadan-Sunne oo isna la ogyahay inta jeer ee loo xidhay arrimahan. Isla markaana jidh-dilka arxan-darradaha loogu geystay jeelka dhexdiisa ilaa la gayaysiiyey heer calooshiisu ay ku sigatay inay dhulka timaaddo kaib markii ay bog-dillaacday, sidii loo jidh-dilayay. Waxaanay noqotay inuu ka aamuso sheegista xaqqa iyo inuu iskaga hijroodo. Waxaanu qaatay go’aankaa u dambeeyey, Isagoo aaday meel uu mahadiyay oo madaxa lagu sido.

Sidaasi darteed in dhaqannadani ay si xawliya dalka ugu faafaan waxaa qayb ka ah xukuumadihii kala dambeeyey ha ugu sii darnaato tan Muuse Biixi oo iyadu garaaddo u toshay "dallacsiisay” Jaamac Muuse Jaamac oo haatan laf-dhabar ka ah isla markaana ka haya xilal shaacintooda hoos loo dhigay. Sidoo kalena waxa uu safka hore kaga jiraa mus-dambeedada uu madaxweynuhu sunta ka qaato.

Sidoo kale Shareecada ay gees iskaga leexisay Somaliland kuna bedelatay dhaqan gaalo iyo dastuur bani’aadam xar-xariiqay ayaa gun-dhig u ah dhaqannadan gaallada sida xun inoogu faafay lana xakamayn kari la’yahay. Waxaana tusaale kuugu filan, haddii aad u kuur-gasho qof walba oo qoomu-luud loo xidho, laguna xukumo xadhig-ciqaabeedka ugu badan, marnaba suuro-gal ma aha inuu dhamaysto ciqaabtaasi, ugu badnaan Saddex ama laba Sano ayuu Jeelka ku jiraa, marka dambana Saamaxaadda Madaxweynaha ayaabu raacaa. Maadaama qodobka Qoomu-luudku ka mid yahay dambiyada fudud. Sida dhacday ee khaniisiin fara badani kaga soo baxeen jeelka.

Waxaa iyaguna si qiyaas la’aan ah dalka ugu soo batay lana ciirciirayaa maandooriyeyaasha kala duwan oo ay ka mid tahay xashiishadda oo si gaar ah halis weyn ugu haysa da’ yarta rag iyo dumarba leh, gaar ahaan kuwa dhigta goobaha waxbarasho ee ay maamulaan amaba ay dhigaan ajaanibtu, sida dugsiyada iyo Jaamacadaha.

Dhanka kale iyo hawlaha gaalaysiinta haddii aynu milicsano, waxaa Tusaale inoogu filan xog rasmiya oo aan kasoo xigtay dad xogogaal ah oo aan ku kalsoonahay. Muddo haatan laga joogo dhawr bilood, ayaa dhalinyaro is-xilqaantay gacanta ku dhigeen dhawr nin oo Itoobiyaana oo hawlo Kiristaamayna ka waday guri ku yaal xaafadda Xero-Awr ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Dhalinyarada waxaa hawl-galkan la fuliyey laba ama Saddex askari oo dhibooya, kana tirsanaan jiray dhalinyarta xaafadda.

Nimankii Itoobiyaanka ahaa iyo agab muujinaya shaqadii ay ku hayeen guriga iyo waliba caddaymo kale oo ay heleen muddadii ay xuuraanka ku jireen waxay u gudbiyeen oo ay dhammaan ku wareejiyeen saldhigga Koodbuur. Markii ay wax yar ku jireen ayay taliyeyaashii ugu sareeyay boolisku iskugu yimaadeen waxaana daalac loo raacay dhalinyartii is-xilqaantay iyo waliba dhibboogii la socday, iyadoo dambi looga dhigay yaa hawlahan idiin dirsaday ayaa dhammaantood xabsiga loo taxaabay halka raggii Itoobiyaanka ahaa ee faafinayey diinta Kiristankana lasii daayay.

Wanjal u muuqda mid wada-jir lagu dejiyey oo garab ka helaya laamaha amniga kalsooni buuxdana qaba ayay Itoobiyaankii kula kaceen dhalinyartii, waxaanay sheegteen oo ay ku wanjaleen in dhalinyaradu falal budhcadnimo ah kula kaceen oo ay ka dafeen lacago guriga kana qaateen lacag u taallay iyo burbur agab. Dhagaha taliyeyaasha ciidanku waxay u daloolaan oo ay maqlayaan oo kaliya nimankan gaallada ah. Sidaas darteed xaalkii dhalinyaradu jiq buu noqday. Muddo dheer oo baryootin iyo catowba dhamaaday, waalidiintii dhalinyaradu waxay ku khasbanaadeen bixinta lacago Baad ah oo food-saaro looga dhigay sheegashadii Xabashida. Waxaana dhacdadan laga dheehan karaa, heerka mashruucii gaalaysiintu uu ka maraayo dalka. Iyadoo ay sidoo kalena ay dhinac socdaan mashaariic ay ka mid yihiin calmaaniyadda, ilxaadka iyo shaydaan-caabudka.

Way igu dheeraatay qormadaniye aan kusoo af-meero, Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-Shaacir), oo ah suugaan-dhaadhi aad ugu xeel-dheer qaybaha kala duwan ee Maansada ayaa mar uu dhawaan arrimahan ka hadlayay waxaa uu yidhi "Afar qolo ayaa inoogu badan imika dalkeena, waxa mashaakilka ku ah. Ilxaadka, Cilmaaniyiinta, Shaydaan-caabudka iyo Qoomu-luudka. Waxaase ugu badan Calmaaniga iyo Qoomu-luudka…”. Qaybahaa uu Abwaaku magac-dhabay iyo kuwa la midka ahiba waxaa dhammaantood Hoos u ah oo ay hoos hogtaan waxa loogu yeedho Fanka & Suugaanta. Taas oo horey iyo dambaysaba loogu hoday magaalada tan Hargeysa. Waxaanay ka dhaxay oo kaliya dhaqannadaasi yaxyaxa badan ee loo maaro la’ yahay ee dalkeenii sida daadka ugu soo burqaday.

Gabay aad u qiimo badan ayuu Abwaanku ka tiriyey dhaqan-xumadan iyo diin-darradan dalka kusoo af-go’day. Waxaanu si weyn ugu digay da’yarta dalka oo ah yoolka loo golleeyahay, waxaana ka mida ahaa tuducyada maansadaasi:
 
Dalka wuu kusoo badanayaa laba diraysluhu
Dooddii Fircoon iyo la keen damacii Qaaruun
Dhaqannada wax doorshiyo haddaa Daad kusoo jabay
Sharka niman dillaallaa jira iyo dooxa geerida’e
Dacwaddii iblayskiyo ishaa laysku dagayaaye
Dusha calanka jeegaanta daran dillintiyo baaqa

Doofaarka nimankii jeclaa iyo daarwinbaa yimiye
Da’yartiyo barbaartaay wax baan kaaga digayaa.

W/Q Warsame Haji Farah.

Related Items