Hantidhawrka DF oo sheegay in lacago Malaayiin dollar ah laga xaday Bankiga dhexe [Warbixin].

Wednesday November 23, 2022 - 08:40:43
Liibaan Jeexoow
Warbixin uu soo saarey madaxa hantidhowrka DF ayuu ku sheegay in musuq baahsani ka dhexjiro haayadaha dawladda.
Warbixintan ayaa tibaaxdey in hay'adaha dawliga ahi ay ahaayeen 67 ha'yadood halka miisaaniyad sannadeedkii loo qoondeeyay 2021 ay ahayd 666 Milyan. Warbixintan ayuu hantidhowrku diyaariyaa sannad kasta oo la joogo midkii ka horreeyay.

Ka dib baaris hanti dhawrku sheegay in ay ku sameeyeen 29 haayadood iyo laba safaaradood waxaa soo baxey musuq iyo isu dheellitirnaan la’aan maaliyadeed.

Waxa la helay 28Milyan oo ah dakhli ay dowladdu ka heshay khidmado heshiisyo shirkado caalami ah balse aan la helin dhukumentiyadii lagu kala saxiixday iyo qaabkii heshiisku u dhacay.

Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in DF ay qaadatey deyn dhan 96 Milyan oo doollar; 71,373,000 waxa laga qaatey IMF halka 21,992,000 laga qaatey Bangiga Dhexe.

Lacagahan oo aan Baarlamaanka laga ansixin islamarkaana aan lagu wargelin hantidhowrka ayaa sida la tilmaamey sharciga baal marsaneyd.

Waxaa kale oo xusid mudan lacago dulsaar heshiis laba geesood ah oo ay DF gashey, kuwaas oo qiimahoodu kor u dhaafey hal milyan oo doolar.
 
Warbixinta hantidharka oo dhinacyo kala duwan taabatey ayaa lagu xusey lacagihii la lunsadey xilligii Karoonaha. 20.5Milyan ayaa 13milyan iyo dheeraad kamid ah lagu wareejiyey UNICEF, WHO iyo IOM kuwaas oo aan si habsami leh ugu qabannin adeegyadii caafimaad ee loogu talogaley.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa iyadana lagu hagaajiyey 1.348 milyan isla markaana uu hanti dhowrku sheegay in aaney u isticaamlin sidii loo qorsheeyay.

Related Items