Yuhuuda oo dishay mid Kamid ah Muslimiinta Filistiin iyo dhaawaca Shaqsiyaad Kale.

Wednesday November 23, 2022 - 07:22:21
MeMo Staff
Wararka laga helayo dhulka Filistiin ayaa ku warramaya in ciidamada gumeysiga Yuhuuda ay dileen wiil dhalinyaro ah ayna dhaaweceen Afar kale intii lagu guda jiray iska hor imaad xalay ka dhacay dhanka daanta galbeed ee la haysto.
Iska hor imaadkan oo dhaxmaray muslimiinta Filistiin iyo Yuhuuda ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Nabulis.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Amjad Shihaadah waxaana da'adiisa lagu sheegay 16 sano jir.

Dhanka kale wasaarada caafimaadka Filistiin ayaa sheegtay in dadkii goobta ku waxyeelloobay lageeyey mid kamid ah Isbitaalada wadanka, lalana tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Tani waxay kamid tahay xad gudbyada ay sameenayaan Yuhuuda duulaanka ku joogta dhulka muslimka ah ee Filistiin.

Muslimiinta ayaana inta badan sameeya iska caabin xoogan oo ay uga hortagayaan ajandyaasha guracan ee uu wato maamulka Yuhuuda, iyagoona fuliya howgalo lagu naafeynayo askarta gumeystaha.

21 bishaan aynu ku jirno ee November ayey ahayd markii iska hor imaad nuucaan ah oo khasaare geetay uu dhex maray Muslimiinta iyo Yuhuuda.

Related Items