Dulgariir Khasaare geystay oo ka dhacay dalka Turkiga.

Wednesday November 23, 2022 - 06:52:58
MeMo Staff
Dhul gariir cabirkiisu yahay 5.9 ayaa ku dhuftay gobolka Duzce ee waqooyi galbeed dalka Turkiga sida ay kusoo warramayaan madaxda sar sare ee wadankaas.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay ku dhaawacmeen ku dhawaad illaa 20 ruux oo dadka deegaanka ah kuwaas oo ugu dambeentii loo qaaday isbitaallada kala duwan ee gobolka.

Waxaana durbadiiba howlgal guud wadanka ka bilaabay ciidamada ammaanka iyagoo isku dayaya in shacabka ay uga digaan kana celiyaan in ay ka ag dhawaadaan gobolkaas iyo hareerihiisa.

Awoodda dhulgariirka ayaa laga dareemayey magaalooyin badan oo kamid ah dalka Turkiga sida:- Istanbul iyo magaalooyinka kale ee dariska la ah.

Musiibooyinka nuucaan ah ayaa mudooyinkaan dambe kusoo badanaya Turkiga iyo dunida inteeda kale, shalay ayeyna ahayd markii dhulgariir halaag badan geystay uu ka dhacay dalka Indonesia ee qaarada Asia.

Related Items