Ciidamo katirsan Danab oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Waraaboole.

Wednesday November 23, 2022 - 06:25:54
MeMo Staff
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gobolka Shabeellada Hoose ka dhacay howlgal jidgal ah oo lala beegsaday maleeshiyaadka DFS gaar ahaan kuwa Danab.
Ciidamada Xarakada ayaa maleeshiyaadka jidgalka la beegsaday xilli ay kasoo bexeen saldhiga Bilidoogle kuna sii jeedeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Howlgalkan ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay deegaanka Waraaboole oo u dhaxeeya Afgooye iyo Wallanweyn.

Askarta DFS waxaa halkaas uga dhintay 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Danab kaas oo ay meydkiisa goobta uga tageen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka uu ku dhaawacmay askari kale.

Wararka ayaana intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay goobta kasoo qaateen Rasaas iyo agab kale oo ciidan.

Related Items