Ciidamada Wilaayada Islaamiga Bay oo dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunaay.

Tuesday November 22, 2022 - 08:09:24
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar culus oo khasaara dhaliyay uu saaka ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Baydhabo.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhigga ciidanka DF-ka ee deegaanka Daynuunaay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaal culus oo dhaxmaray labada dhinac uu sababay dhimashada ugu yaraan 2 askari, wararka ayaa intaas ku daraya in dadka ku dhintay dagaalkii saaka uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Daynuunaay.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladdu degantahay waxaana Daynuunaay la wareegay ciidamada Wilaayada Islaamiga Baay halka maleeshiyaadka DF-ka ay ufirxadeen dhanka magaalada Baydhabo.

Related Items

Update cookies preferences