Dhulgariir ay ku Dhinteen Wax ka Badan 100 Ruux oo ka Dhacay dalka Indonesia.

Tuesday November 22, 2022 - 07:51:42
MeMo Staff
Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.6 ayaa ku dhuftay Jaziirada Java ee dalka Indonesia, waxaana halkaas ku dhintay ilaa 162 qof sida ay sheegeen madaxda dalkaas.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay ku dhaawacmeen boqlaal ruux, waxaana awooda dhulgariirka xitaa ay saameysay caasimada dalka ee Jakarta oo 100 KM u jirta halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Barasaabka galbeedka Java ninka lagu magacaabo Ridwan Kamel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arinkan uu yahay mid lala yaabay oo ay ka fajeceen bulshada reer Indunuusiya, isagoona casi u diray cid waliba oo uu ka geeriyooday shaqsi.

Waxaana durbadiiba meesha laga daad gureeyey dadyow fara badan oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana haatan buux dhaafay Isbitaalada dalka maadaama saacadba saacada ka dambeesa la geynayo dad hor leh oo ay waxyeelo soo gaareen.

Qaarada Asia waxaa mudooyinkaan dambe si aad ah ugu soo badanaya dhacdooyinka nuucaan ee rabaaniga ah, kuwaas oo ay ku lee'anayaan boqolaalka ruux kuna burburayaan dhismayaasha faraha badan.

Related Items