Dab ay ku Dhinteen Sodomeeyo Qof oo ka Kacay Warshad ku Taala Dalka Shiinaha.

Tuesday November 22, 2022 - 07:46:31
MeMo Staff
36 Qof ayaa ku dhimatay labo kalena waa lagu la'yahay dab ka kacay warshad ku taal bartamaha Shiinaha.
Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in dabku uu ka kacay warshad ku taal magaalada Anyang ee bartamaha gobolka Henan ee dalka Shiinaha, iyada oo aan wax faahfaahin ah ka bixin wakaaladda.

Warbaahinta gudaha ma aysan sheegin waxa sababay dabka, iyadoo maamulka Shiinaha ay bilaabeen baaritaanka arinkaan.

Waxaa xusid mudan in dhacdo tan lamid ah ay dhacday sanadii 2019 sababtun ay ahayd qarax ka dhacay warshad kiimikaad oo ku taal Yancheng oo 260 km u jirta Shanghai, halkaas oo ay ku dhinteen 78 qof isla markaana sababay khasaare kale oo agab ah
.

Related Items