Weerar 7 Askari looga dilay ciidanka dowladda oo ka dhacay duleedka Afgooye.

Tuesday November 22, 2022 - 07:03:41
Liibaan Jeexoow
Khasaara culus ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose ay shalay gelinkii dambe weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhig ay maleeshiyaadka DF-ka ku lahaayeen tuulada Sabiid.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay illaa 7 askari islamarkaana 5 katirsan meydadka ciidamada ladilay looga tagay goobta dagaalka.

Dad ku sugan Sabiid ayaa lagasoo xigtay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus iyo madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Sabiid lagu dilay 7 askari islamarkaana ciidanka dowladda laga furtay 3qori AK47 ah iyo hal 1qori PKM ah.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku saabsan dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Sabiid.

Related Items