Xoogag Jihaadi ah oo weerar hubaysan ka fuliyay dalka Togo ee qaaradda Afrika.

Sunday November 20, 2022 - 08:53:14
Liibaan Jeexoow
Jamaacada Jihaadiga Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraro cusub oo ay ka fulisay mid kamida dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Bayaan kasoo baxay Mu'asasada Azzallaaqah ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay weerar culus ku qaadeen  ciidamada dowladda Togo xilli ay ku sugnaayeen degmo kaabiga ku haysa xuduud beenaadka uu dalka Togo la wadaago Burkina Faso.

Warbaahinta maxalliga Togo ayaa sheegtay in xoogag aad u hubaysan ay weerareen saldhig ciidan kadibna ay dagaal culus lagaleen ciidamada dowladda balse bayaanka kasoo baxay JNIM ayaa lagu sheegay in weerar kamiin ah ay mujaahidiintu udhigeen ciidamada dowladda Togo ayna ka dileen illaa 3 askari islamarkaana ay ka furteen 7 mooto dhugdhugleey iyo saanado hub ah.

Waa weerarkii 2aad oo Jamaacada Nusratul islaam Walmuslimiin ay howlgal ka fuliso dalka Togo oo kamid ah wadamadii uu Faransiisku gummeysan jiray ee ka dhaca galbeedka Afrika.

Related Items