Weeraro saldhigyo ciidan lagu beegsaday oo ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Sunday November 20, 2022 - 07:37:35
MeMo Staff
Waxaa saacadiihii lasoo dhaafay gobolka Banaadir ka dhacay weerao ay waxyeelo kasoo gaareen maleeshiyaadka dowlada faderaalka Soomaaliya.
Ugu horeyn askarta Al-Shabaab ayaa xalay dagaal toos ah ku qaaday fariisin ciidamada DFS ay ku leeyihiin dalcadda Fara gaab ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khaasaraha rasmiga ah ee halkaas kasoo gaaray maleeshiyaadka Xassan Sheeq Maxamuud.

Isla Banaadir waxay dagaalyahannada xalay degmada Dayniile ku dileen askari ka tirsanaa DFS gaar ahaan kuwa ay tababartay dowlada Turkiga.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax.

Ugu dambeentii xoogag jihaadi ah waxay dagaal culus ku qaadeen saldhiga DFS ee dhismaha jaamacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac kaas oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaas.

Related Items