Jabhadda TPLF oo shuruudo adag ku xirtay in ay uhoggaansanto heshiiskii ay lagashay dowladda Itoobiya.

Saturday November 19, 2022 - 08:11:20
Liibaan Jeexoow
Kadib wadahadaladii dawlada Itoobiya iyo nidaamka Abiy Axmed ku dhaxmaray wadanka Koonfur Afrika ayeey jabhada TPLF soo saartay shuruudo cusub kaas oo ay dhaqangalkiisa ku xirtay in la fuliyo heshiiskii la gaaray.
Afhayeenka maleeshiyaadka Tigreega Getachow Reda ayaa sheegay in heshiiskaasi ay dhaqangalinayaan markii ciidamada Eratariya ay si buuxda uga baxaan gobolka islamarkaana waqtigaasi ay hubka dhigayaan.

Waxuu ciidanka xukumada Asmara ku eedeeyay in ay u gaysteen danbiyo ka baxsan bani aadanimada waa sida uu hadalka udhigay.

Dawllada Itoobiya wax war ah kama soo saarin shardigaan cusub ee kasoo yeeray Tigreega lamana oga sida nidaamka Abiy Axmed ka yeeli doono.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kulamo fool ka fool ah oo isugu yimideen madaxda dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF waxaana kulamadaas lagu go'aamiyay in gargaar bani'aadanimo lagaarsiiyo shacabka ku go'doosan waqooyiga Itoobiya.

Ereteriya iyo jabhada Tigreega ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal fog, waxaana waqtigii TPLF ay majaraha uhaysay talada Itoobiya dagallo cuslus ay dhaxmareen labada dawladood.

Related Items