Waxaa la yiri dameerku marka uu yaryahay waa ka qurux badan yahay dameerka weyn ee dhalay laakiin marka uu weynaado ugu dambeyn waxa uu noqdaa isla dameerkii uun.
Sidaas si lamid ah ayaa la dagaallanka jihaadiyiintu ula fiicnaa dad badan laakiin ugu dambeyn waxa uu noqday uun isla dagaalkii caadiga ahaa ee shabaabka iyo shisheeyaha u dhexeeyay.
Sida la ogyahay dagaalkii malleeshiyada Macawisleyda ee ka bilaabmey Hiiraan aad baa loo buunbuuniyey, waxa laga dhigey in qiyaamadii Shabaabku dhacdey laakiin jihaadiyiintu ma ay noqon kuwo sidii bacda u nugul, awood 15jirsatey qofkasta oo caqli lihi waa ogaa in aan usbuucyo lagu tirtiri karin balse dad badan baa sidaas wax loogu sheegay ka dibna aaminay.
Dowladda Federaalka ayaa samaysey ballanqaadyo lacageed oo la siin doono qofkii dila xubin ka tirsan dagaallameyaasha Jihaadiyiinta. Cali Jeyte ayaa la arkayey isaga oo lacago guddoonsiinaya qofaf ka tirsan Macawisleyda. Xasan Sheekh baa sidoo kale ganacsato badan ku guubaabiyey in aysan bixin wax lacag ah oo aanay siin Alshabaab laakiin waxaas oo dhami ma noqon wax shaqeeya.
Waxyaabaha cajiibka leh ee lagu arkay saaxadda dagaalka ayaa ah; in goobtii jihaadiyiinta laga saaro aan dadba loogu imanayn, waa khiddad dagaal oo la yaab leh isla jeerkaasna argagax ku ridday Xasan Sheekh iyo malleeshiyaadkiisa. Haddaba markii Xasan arkay waxaas iyo waxyaabo kale oo ay kamid tahay khilaafka kusoo noqnoqday sufuuftiisa ayuu u holladey in uu hurintii yarayd ee Farmaajo geeyay Asmara doonto.
Ciidankaas oo laftiisa la sheego in Afwerki madaxfurasho u haysto. Ciidankaas ayaa noqon doona rajadii ugu dambaysay ee Gurguurte uu isticmaali doono. Haddaba ciidankaasi wax ma kusoo kordhin doonaan saaxadda dagaalka? Ilama aha laakiin taariikhdaa inooga jawaabi doonta.