Ushu waxbay toosisaa laakiin caydu waxbay halleysaa!.

Monday November 14, 2022 - 10:43:58
Liibaan Jeexoow
Waxaa layiri haddii geeljire geeliisii ka tago oo midkale raaco waxa keliya ee usoo kordhaa waa hashaana magaceed.
Haddaba bulshada Soomaaliyeed oo iska ahayd dad reer guuraa ah waxa ay dimuquraadiyadda reergalbeedka ka dheefaan waa madaxweynahaana magacii? Waa Cabdillaahi Yuusuf.

Waa Shariif, waa Xasan Sheekh iyo waa Farmaajo. Beryahan dambe waxa se soo korodhay arrin kale oo ku cusboonayd saaxadda siyaasadda; xataa haddii ay jirtey sidaan oo kale ma ahayn. Malleeshiyo Macawisleey la yiraa ayaa la bilaabey si ay ugula dagaallamaan Islaamiyiinta, macawisleey magac keliya ma aha ee waa qabiil ay madaxdoodii isku raaceen la collaytanka Islaamiyiinta. Dabcan Islaamiyiintu in badan bay ka warwareegeen la dagaallanka beel Soomaaliyeed balse ugu dambayn dagaalka waa lagu qasbay.

Macaawisleyda oo Mareykanku taageero dhaqaale iyo mid hubeed uu siinayo mashruuceeda waxaa iska diiday inta badan beelaha Soomaaliyeed balse waxaa qaatay dhowr jufo oo deggan deegaanno dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Haddaba sidee urur jabhad ahi ula falgali karaan dagaal beeleedyada misana guul uga gaari karaan? Taasi waa su’aal taagan. Waxa kale oo jira in dad caammo ah amma dhallinyaro u badani ay la caaddifad yihiin Islaamiyiinta, kuwaasina sidee u dhaqmi karaan marxaladdan lagu jiro? Iyana waa su’aal taagan. Weydiimahaas ayaa keenay in la qalinka lagu duugo qormadan oo ay meel mar noqoto insha Allah.

Nin aanu saaxiib nahay baan maalin la wadaagey fikirkayga ku saabsan in qabiil xadgudbey la edbin karo asse aan la caayi karin dabadeed waxa uu igu raacey fikirkii isaga oo waliba ii soo qaatey maahmaahda Soomaaliyeed ee aan qoraalkan ciwaanka uga dhigey.

Nebiga CSW ayaa maalin ku yiri saxaabadiisii "Cikrima ayaa idiin iman doona ee aabbihii haku caayina.” Sida oo kale nebigu waxa uu dareensanaa sida ay qofka u dhaawici karto in xumaanta aabbihii la sheegsheego isla markaana hibadiisa iyo waxqabadkiisuba u lumi karo. Bal qabiil dhanna maxaad u maleyn! .

Qiso kale ayaa jirta; berigii nebiga tolkii ay raaci diideen ayaa uu naftiisa kula shawrey bal in uu dhankaas iyo Daa’if u kaco. Waxa uu rajaynayey in ay dacwaddiisa dhegaystaan reer Daa’if ka dibna jaal u noqdaan; taas runtii aad buu ugu hungoobey oo waxma-garatadoodii ayaa ay ku direen. Nebiga SCW maalintaa si xun oo foolxun ayaa loola dhaqmey, dhaawacyo nafeed iyo mid jidheedna waa la gaarsiiyey.

Haddaba nebigeenna oo xaalku sidaa ku yahay arrintuna ku culus tahay ayaa loo soo direy malaggii buuraha. Malaggii waxa uu nebiga ka codsadey in uu amro haddii uu rabona uu buurahaas ku dhirbaaxo karo reer Daa’if, laakiin nebigu waa ka diidey, waxa uuna ku yiri hadal macnihiisu ahaa "waxa aan rejaynayaa in dhabarkooda ay ka soo baxaan kuwa diinta Ilaahay u gargaara”.

Ugu dambayn waxa la arkaa in Ilaahay nasri keeno oo guushaas wax badan lagu illaawo, sidii maalintii uu nebigu furtey Maka. Waxa jirtey in dadkiisii dhibaatada u geysan jirey wakhtigii uu tamarta darnaa uu weydiiyey "Maxaad iga maleysanaysaan?” dabadeedna ay yiraahdeen wanaag, isna uu sidii ku cafiyey dhammaantood illaa rag tirsan mooyee. Maantana waa halkii uun, nebigana ku dayasho fiican baa inoogu sugan.

W/Q Warsame Faarax.

FG: Fikirku wuxuu gaar uyahay qoraaga Maqaalka looma tiirin karo SOMALIMEMO


Related Items

Update cookies preferences