Al Shabaab oo 31 Askari ku dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Beled Weyne [Warsaxaafadeed].

Friday November 11, 2022 - 06:42:33
Liibaan Jeexoow
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar culus kula jarmaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku lahaayeen duleedka Beledweyne.
War kusoo dhacay warqabadka shabakadda SOMALIMEMO ayaa xaqiijinaya in ciidanka wilaayada Islaamiga Hiiraan ay weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Burdaan.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in Jihaadiyiintu ay dileen tobanaan askari islamarkaan ay soo furteen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa 30Km ujirta magalada Beledweyne wuxuuna saldhigga maleeshiyaadka Gorgor ilaalin jiray dhowr waddo oo deegaankan ka baxda sida wadada aadda dhanka degmada Maxaas.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Burdaar lagu dilay 31 askari islamarkaana ciidamada dowladda laga qabsaday 9 gaari oo isugu jira kuwa dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan iyo kuwa xamuulka ee saadka qaada.

"Dagaal socday mudda kooban Allaah wuxuu jebiyay cadawgii duullaanka ku ahaa Shareecada Islaamka, waxaana ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saldhigii maleeshiyada ridada ee deegaanka Burdaar. Khasaaraha dhimasho ee cadawga soo gaaray waa 31 askari oo lagu dilay weerarka kuwaas oo maydadka qaarkood uu cadawgu goobta kaga cararay. Sidoo kale waxay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub, saanad milatari iyo dhamaan gaadiidkii ciidan ee xerada yaallay kaas oo tiradiisu ahayd 9 gaari oo iskugu jira nooca ciidamada lagu daabulo iyo gaadiidka Tiknikada loo yaqaano" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PDF

Related Items