Sidaan ayaa ciidamada dowladda loogu laayay deegaanka Qaayib gaadiid dagaalna looga qabsaday [Sawirro].

Tuesday November 08, 2022 - 09:17:19
Liibaan Jeexoow
Xafiiska warfaafinta Xarakada SHM ayaa faafiyay sawirrada khasaarihii ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Qaayib gobolka Galguduud.
Sawirrada lafaafiyay waxaa lagu arkayaa meydad daadsan gudaha saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug iyo gaadiid dagaal oo ugacan galay jihaadiyiinta.

Al Shabaab waxay soo bandhigeen burburka lixaadka leh ee ka dhashay qaraxyadii gaadiidka loo adeegsaday ee shalay ka dhacay deegaanka Qaayib.

Sawirrada qaar oo argagax xambaarsan ayaanan halkan ku faafin karin balse waxaan idiinsoo gudbinaynayaa gaadiidka dagaalka ee laga qabsaday ciidamada dowladda iyo burburka gaaray saldhigga ciidanka.

Halkan ka degso sawirrada Meydadka RAR.

ama hoos ka daawo

Related Items