Al Shabaab oo sheegtay in 105 askari ay ku dhinteen Weerarkii Xerada Nacnaca [Warsaxaafadeed].

Sunday November 06, 2022 - 06:05:36
Liibaan Jeexoow
sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalkan kasoo gaaray qarax xooggan oo xalay lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahan istish-haadi ah uu weeraray maleeshiyaad katirsan dowladda xilli ay safaf dhaadheer uga jireen xerada Warshaddii hore ee Nac Naca degmada Wadajir waxaana halkaas ka dhashay khasaara aad uxooggan.

"Camaliyadda oo uu fuliyay halyeey ka tirsan katiibada Istish-haadiyiinta ayaa lagu beegsaday maleeshiyaatka xilli ay safaf ku jireen gudaha xerada. Ishtish-haadiga ayay Allaah fadligiis u suurtagashay inuu bartamaha ka istaago safafkii cadawga, halkaasna uu sidii loo qorsheeyay uga fuliyo camaliyada.

Khasaaraha hordhaca ah ee cadawga kasoo gaaray camaliyada waa 105 (boqol iyo shan) askari oo goobta lagu dilay iyo dhaawaca 37 kale. Khasaaraha cadawga waxaa kamid ah saraakiil muhiim u ahaa cadawga kuwaas oo maamul iyo tababarayaal ka ahaa xerada"ayaa lagu yiri bayaanka.

Halkan ka akhri bayaanka oo PDF ah

Related Items