RW hore ee Pakistan Imran Khan oo la dhaawacay.

Thursday November 03, 2022 - 16:40:45
Liibaan Jeexoow
Raysal Wasaarihii hore ee waddanka Pakistan haddana ah mucaaridka ugu weyn ee dalkaas ayaa lugta laga dhaawacay. Imran Khan iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa ku sugnaa bariga waddanka markii xabbaddu ku dhacdey.
Cimraan Khan ayaa horkacayey bannaanbax ay ku dalbanayeen isaga iyo taageerayaashiisu in doorashada si degdeg ah loo qabto.

Reysal Wasaaraha hadda talada haya ee Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay weerarkaas lagu beegsadey Cimraan Khan isagoo dhanka kalena Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas ku amrey in uu si dhakhso ah baadhitaan u sameeyo.

Sida ay Boolisku sheegeen weerarku waxa uu ka dhacey degmada Wazirabad ee beriga gobolka Punjab halkaas oo Cimraan Khan iyo wefdigiisa oo baabuur badan watey ay uga soo dhaqaaqeen dhanka caasimadda.

Related Items