Nolosha dadka Muslim ka ah ee dalka Switzerland [Warbixin].

Friday October 28, 2022 - 13:18:00
Liibaan Jeexoow
Waxay eheyd 2008 markii aan imid dalkaan yar ee ku yaala buuraleyda Alps ka. Waa wadan ay ku nool yihiin afar qowmiyadood oo kala Ah jarmal, faransiis, talyaani, iyo romanish. Waa wadan kirishtan mintid ah.
Waana wadan ku caan ah shukulaatada, bangiyada, iyo xarumaha waramada midoobay... sidoo kale Switzerland waxaay sheegataa in ay tahay wadan dhexdhexaad ah oo aan hubeysneyn, laakin arintaasi waxba kama jiraan, oo wadankani aad ayuu u hubeysan yahay ciidan military oo awood badan lehna wuu leeyahay.

Aniga waxaan ku noolaa in mudo ah mid ka mid ah 26 ka gobol ee Switzerland ka kooban tahay oo looga hadlo luuqada jarmalka waxaana loo yaqaanaa gobolkaasi Thurgau.

Waa sidee xaalada dad ka muslimka ah ee ku nool Switzerland ?

Intii aan ku noolaa wadankaa gaar ahaan gobol ka Thurgau oo ah gobol saldhig u ah maafiyada dunida ugu awooda ee badan ee N'drangheta ayaa waxaan indhahayga ku arkay sida xooga badan oo ay dadka iyo diintooduba u necban yihiin una xirxiraan, jirdilaan hadii ay doonaana intay xabsiyada geeystaan ku dhex dilaan kadibna sheegaan in ay iyagu isdileen, weliba marka la dilo xubnaha ayaa lagala baxaa.

Shirqoolada ka dhanka ah dadka Muslim ka ee Switzerland ku nool waxaa horboodaya xisbiga xag jirka mintid ka ah ee loo yaqaano Schweiz VolksPartei loona soo gaabiyo SVP, booliska, xeer illaliyayaasha iyo muasasada loo yaqaano peregrine Stiftung oo ah muasasad kirishtaan ah una ololeysa la dagaalanka islaamka iyo xasuuqa muslimiinta.

Wadankaan ayaa wuxuu usameystay muslimiinta xabsiyo si gaar ah loo dhisay laguna kala magacaabo

1. Pöschwies
2. Thürhof
3. Bishcofszell
4. Frauenfeld
5. Gossau
6. Kreuzlingen
7. St.Gallen

Xabsiyadaas ayaa dadka musliinta loogu xiraa si sharciga ka baxsan laguna jirdilaa, sidoo kalena lagu qaarijiyaa kadibna waxaa la dhahaa iyaga ayaa is daldalay, cid ka hadli kartana ma jirto.

Sidoo dad ka Muslim ka marka la xiro waxaa loo sheegaa in ay maskax ahaan xanuunsanayaan kadibna waxaa lagu qasbaa kaniiniga waalida loo cuno oo ah kaniini markaasi cusub oo la tijaabinayo.

Qof ka Muslim ka danbi hasameeyo ama yuunan sameynin in la xiraa wey sahlan tahay marka la joogo dalka Switzerland.

Qore: M. Jama Bile

Related Items

Update cookies preferences