Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Xoogag hubaysan ayaa maanta barqadii deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Ibraahim Geeda Gooye.
Weeraro kale oo ka dhacay xaafadda Suuqa Jaayga ee degmada Yaaqshiid ayaa lagu dilay 2 askari oo katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka.
Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa xaafadda Taleex ee degmada Hodon ku dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka, isku geynta dilalka ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa gaaray 4 waxaana lagu beegsaday askar iyo saraakiil.