Shirweynihii 5aad ee culimada Wilaayaatka Islaamiga oo bayaan muhiim ah lagasoo saaray [PDF+Sawirro].

Wednesday October 26, 2022 - 13:40:16
Liibaan Jeexoow
Kulan socday muddo shan maalmood oo xiriir ah oo ay kasoo qeybgaleen ku dhawaad 100 ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee kunool wilaayaatka islaamiga ayaa lagu soo gabagabeeyey hoolka shirarka ee qaacada Sayid Muxamed Cabdulle Xasan, Iyadoona kulankaas laga soo saaray fatwo sharci ah iyo war murtiyeed ay u dhan yihiin culimadaasi.
Shirkan ayaa ahaa shirweynihii 5aad ee culimada wilaayaatka Islaamiga, oo sanadkan cinwaankiisu ahaa "Bayaan Xukmul Khaarijiina cina-Shariicah, wa wujuubu qitaalihim dafcan, wab tidaa’aa” oo micnaheedu yahay Cadeyn la cadeeynayo xukunka kuwa ka baxay diinka Islaamka, iyo waajibnimada la dagaalankooda, in dagaal lagu qaado ama in la iska difaaco gulufkooda intaba.

Culimadan ayaa ka kala timid dhamaan deegaanada kala duwan ee wilaayaatka Islaamiga, laga soo bilaabo Mudug ilaa cirifka wilaayada Jubooyinka, waxaana sawirada laga soo qaaday hoolka lagu qabtay shirarkaas laga dareemayey inay culimo aad u fara badan soo buuxiyeen qaacada.

Muddo shan maalmood ah oo uu niqaash u socday kadib, waxay culimadu soo saareen fatwo sharci ah oo ka kooban 29 safxo, oo lagu cadeeynayey xukunka in ka badan 10 mas’alo oo ay ugu horeeyaan cadeynta, xukunka dowladda Federalka Soomaaliya iyo waajibnimada dagaalka lagula jiro.

Mas’uuliyiin iyo madax ka tirsan Xarakada Al Shabaab  ayaa goobjoog ahaa kulanka, waxaana si aad looga niqaashayey masaa’isha oo culimadu si qoto dheer u gorfeyneysay.


Halkaan ka daawo sawirada

Related Items