Beesha Warsangeli Abgaal oo ciidamo soo bandhigtay, wacadna ku martay difaaca Shareecada Islaamka.

Monday October 17, 2022 - 17:08:28
Liibaan Jeexoow
Beesha Warsangeli ee degta Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Dhexe ayaa soo bandhigtay ciidamo beesha ah kuwaas oo loo diyaariyay sidii ay uga hortegi lahaayeen duullaanka ay ciidamada DF iyo macawiislaydu kusoo qaadeen Wilaayaatka Islaamiga ah.
Kulan ballaaran oo ay beeshu ku yeelatay degmada Tawfiiq ee Wilaayada Shabeellada dhexe ayay nabadoonada, culumada, dhalinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshadu waxay wacad ku mareen in ay la dagaalami doonaan ciidamada DF ee ku haminaya in ay kusoo duulaan degmooyinka iyo deegaanada ay beeshu degto.

 
Ciidamada beesha Warsangeli oo uu hogaaminayo nabadoonka guud ee beesha, Nabadoon Cabdullahi Cali Caraaye ayaa dhoolatus ku sameeyay degmada Tawfiiq (Masaajid Caliguduud) waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay maleeshiyaatka mooryaanta ah ka difaacaan deegaanadooda.

Nabadoon Cabdullaahi Cali Caraaye oo ka hadlay dhoolatuska ciidan ee ka dhacay Tawfiiq ayaa uga digay saraakiisha iyo maleeshiyaatka ka dhashay beesha ee hor socda duullaanka ka dhanka ah deegaanadooda in ay arinkaas ka waantoobaan, haddii kale ay la kulmi doonaan dagaal ay kala horyimaadaan dhalinyarada beesha oo u diyaar ah difaaca deegaanadooda.

Dhawaan ayay ahayd markii beelaha Abgaal, Murusade, Maxamuud Hiraab ay sidaan oo kale usoo badhigeen boqolaal ciidamo ah kuwaas oo loo diyaariyay la dagaalanka ciidamada DF iyo macawiislayda dullaanka ku soo qaaday deegaanada kamid ah Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Related Items