Sawirro: Gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo ciidanka dowladda looga qabsaday dagaalkii Yasooman.

Saturday October 15, 2022 - 19:23:49
Liibaan Jeexoow
Sida ay faafisay mu'asasada Alkata'ib oo ah garabka warbaahineed ee Jihaahidiyiinta Soomaaliya hub culus iyo gaadiid ayaa ciidamada dowladda looga qabsaday dagaalkii Yasooman ee dhacay Isbuucii lasoo dhaafay.
Sawirro la faafiyay ayaa muujinayay xoogaga Al Shabaab oo gacanta ku dhigaya gaadiid dagaal iyo saanado melleteri, gaadiidka ciidanka dowladda laga qabsaday waxaa kamid ah gaari gaashaaman.

Sidoo kale dagaalkii Yasooman ayaa lagu gubay gaadiid nuuca saadka qaada ah iyo booyado ay isticmaalayeen, Sawirrada Alkataa'ib faafisay ayaa lagu arki karaa meydadka tobanaan askari balse akhristayaasha umasoo gudbin karno sababa laxiriira argagaxa ay xambaarsanyihiin.

Hoos ka daawo Sawirrada.

Related Items