Dagaal lagu dilay in ka badan 50 kamid ah ciidamada Liyuu boolis oo ka dhacay Bakool [Sawirro].

Wednesday October 05, 2022 - 16:46:29
MeMo Staff
Dagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Liyuu boolis ee hoostaga Xabashida Itoobiya ayaa ka dhacay tuulada Quracle ee katirsan deegaanka Washaaqo ee dhaca xab-beenaadka ay wadaagaan gobolka Bakool iyo gobolka Afdheer ee Soomaali-Galbeed.
Dagaalka oo billawday subaxnimadii shalay oo Talaada ahayd ayaa soo gaaray maqribkii xalay. Ciidamada Liyuu boolis oo askar farabadan looga dilay dagaalka ayaa ku dadaalayay inay qaataan maydad aad u badan oo looga dilay dagaalka, waxaana ay ku jebeen isku dayo ilaa shan ah oo ay doonayeen inay maydadka ku qaataan.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa jab xooggan gaarsiiyay Maleeshiyadii Liyuu boolis waxaana dagaalka lagu dilay in ka badan 50 askari kuwaas oo maydadka qaarkood ay uga carareen goobta dagaalka. Dhaawaca ayaa isaguna ka badan 80 askari kuwaas oo loo qaaday degmada Baareey ee gobolka Afdheer.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ah saddex sarkaal oo Liyuu boolis ah kuwaas oo kala ahaa:

1- Janaraal Saliid oo ahaa taliyihii haystay ciidamada Liyuu boolis ee dagaalku qabsaday
2- Kornaul Dhigane oo ahaa abaanduulihii ciidamada.
3- Kornayl Cabdirisaaq oo ahaa taliye ciidan

Waxaa kale oo jira saraakiil iskugu jirta Shamballo iyo Shaalaqlayaal ku dhintay dagaalka.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaalka ku qabsaday hub farabadan kuwaas ay kamid yihiin 25 qori oo AK-47 ah, 3 PKM iyo 4 qoryaha garbaha laga rido ee RPG loo yaqaano ah.

Ciidamada Xabashida Itoobiya oo iyagu gurmad ahaan ugu yimid Liyuu boolis ayaa iygana waxaa la gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka oo Arbaca ah degan, waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyadoo ciidamadii Liyuu boolis iyo kuwii Xabashida Itoobiya ay dib ugu gurteen deegaanka Washaaqo ee dhaca xad-beenaadka Bakool iyo gobolka Afdheer.

Maktabka warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa maanta barqadii faafiyay sawirrada qaar kamid ah askartii Liyuu Booliska shalay looga dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool.

Hoos ka daawo sawirrada

Related Items