10 Askari Liyuu Boolis ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Bakool.

Tuesday October 04, 2022 - 17:10:04
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya tuulada Quracle ee hoostagta deegaanka Washaaqo ayaa sheegaya in halkaas ay dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya iyo xoogaga Al Shabaab.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 10 katirsan ciidamada Liyuu Booliska iyadoona laga furtay hubkii ay wateen.

Bishii July ee lasoo dhaafay dagaallo culus ayaa ka dhacay deegaannada Washaaqo,Yeed iyo Caato oo dhammaantood dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related Items