Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha Kenya.
Weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadoow, sida ay wararku sheegayaan dagaalyahanno Jihaadi ah ayaa dhowr madfac lahelay saldhigga arrinkaas gubasho baahsan sababay.
Dad ku sugan Afmadoow ayaa sheegay in ay arkayeen qiic iyo Uuro madoow oo ka baxaya saldhigga kadibna ay maqleen jugta qaraxyo loo malaynayo in ay ka dhasheen gubashada keydadka hubka ciidamada KDF.
Idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in 2 askari Kenyaan ah ay ku dhinteen weerarka madaafiicda ah islamarkaana uu gubtay gaari Motobiish ah oo saldhigga dhax yiillay.
Warar kale oo soo baxay waxay sheegayaan in uu dab qabsaday dhowr Teendho oo ciidanka Kenya uga dhisnaa degmada Afmadoow balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Kenya.