Taliyihii booliska Muqdisho oo la dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda.

Friday September 30, 2022 - 12:58:46
46622
Liibaan Jeexoow
Waxaa daqiiqado kahor la khaarijiyay taliyihii booliska gobolka Banaadir Janaraal Farxaan Maxamad Aadan (Qaroole), kadib qarax aad u xoogan oo isaga iyo ciidamo uu watay lagula beegsaday duleedka Magaalada Balcad ee Shabeellada Dhexe.
Sida ilo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen shabakada wararka SOMALIMEMO, Farxaan Qaroole iyo ciidamadiisa ayaa duullaan ku ahaa deegaanka Basro ee Shabeellada Dhexe, waxaana qaraxa lagu dilay taliyaha ku dhintay 4 Sarkaal oo ka tirsanaa booliska Haramcad ee uu Turkigu tababaray.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Xarakada Al-Shabaab uuna ku saxiixnaa Afhayeenka ciidamada Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada iyo dilka Farxaan Qaroole.

"Hawgal si wanaagsan loo qorsheeyay ayay ciidamadeenu maanta ka fuliyeen degmada Balcad. Ujeedada hawgalku wuxuu ahaa in lagu khaajiriyo mid kamid ah saraakiisha ugu cadawsan kooxda ridada ah. Xog dhamaystiran baan ka haynay dhaqdhaqaaqiisa iyo waxa uu damacsanyahay. Sidii loo qorsheeyay ayuuna hawgalku u dhacay" Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

"Waxaa hawlgalka lagu dilay sarkaalkii hadafkeenu ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Farxaan Qaroole, 4 sarkaal kale oo la socotay iyo askari u qaabilsanaa qaadista sawirada iyo duubiska muuqaallada. Dhimashada guud ee goobta ka dhacday waa Lixdaas qofood" Dhaawucuna waa 13 kale, ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Janaraal Farxaan Qaroole iyo dhamaan saraakiishii la socotay ayaa isla durbadiina goobta ku naf-baxay, waxaana maydkooda goobta ka qaaday askartii kale ee la socotay kolonyada duullaanka ahayd.

"Dhimashada Qaroole waxay cadaalad siinaysaa boqolaal dadweyne Muslimiin ah oo uu si xaq-darro ah u dhibaateeyay, dhulkoodii uu xoog uga qaatay, ama hantidoodii uga dhacay isagoo adeegsanahay awooda ciidan ee uu ku lahaa Muqdisho. Allaah ayaan marka hore u mahad celinaynaa, kadibna raggii Mujaahidiinta ahaa ee hawgalkaas fuliyay iyo cid walba oo gacan ka gaysatay khaajirinta murtadkaas. Kuwa kale ee isaga lamidka ahna Ilaahay idamkiis gacanta dheer ee Mujaahidiintu mar ay noqotaba waa ay gaari doontaa" ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafafeedka taliska ciidamada Al-Shabaab.

Farxaan Qaroole ayaa dhawr jeer oo hore ka badbaaday weeraro iyo qaraxyo ay la beegsadeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab, kahor inii uusan maanta ku dhiman qaraxa ka dhacay degmada Balcad ee Shabeellada Dhexe.

Related Items