Dagaal lagu dilay 20 Askari iyo saraakiil ciidan oo ka dhacay Moqakori.

Thursday September 29, 2022 - 12:09:10
Liibaan Jeexoow
Khasaara culus ayaa ka dhashay dagaal culus oo maanta barqadii ka qarxay deegaan ka dhaca bariga gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Qooxle ee duleedka degmada Moqakori ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay kaasi oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kamid markii ay ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan weerar culus ku kediyeen maleeshiyaad katirsan maamulka Hirshabelle oo is aruursanayay.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay in kabadan 20 askari oo isugu jira ciidamada maamulka Hirshabelle iyo maleeshiyaadka loo yaqaanno Macaawisleyda ee Bangaraaftu ay dhowaan geeyeen Moqakori.

Saraakiil sarsare oo katirsan maleeshiyaadka huwanta ah ayaa ku dhintay dagaalkii maanta waxaana kamid ah nin dagaal geliye ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Hagar Guure.

Hoggaamiye Cilmi ayaa bilihii lasoo dhaafay warbaahinta kasoo muuqanayay isagoo bogaadinayay duullaanka ay ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee dhaca bariga gobolka Hiiraan.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ay jiraan hoggaamiyaal ciidan oo dhintay balse magacyadooda wali ma helin.


Related Items