Diyaarado Drones ah oo duqeeyay gaadiid Gargaar usiday shacabka Tigray.

Monday September 26, 2022 - 08:09:41
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markale duqeymo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday deegaano katirsan gobolka Tigray.
Diyaarado Drones ah ayaa shalay duqeymo ugeystay gaadiid xamuul ah oo gargaar ugelbinayay deegaanno katirsan gobolka Tigray oo ay malaayiin qof ku go'doonsanyihiin.

Afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay in diyaaradaha nidaamka Abiy Axmed ay duqeeyeen gaadiid urarnaa hay'adda WFP kuwaas oo ka baxay magaalada Shire kunasii jeeday degmada Zana.

Ugu yaraan hal darawal iyo dhowr qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen duqeymahan, jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii duqeyn ay dad ku dhinteen lagu bartilmaameedsaday bartamaha magaalada Maqala.

Related Items