52 askari oo lagu dilay dagaallo ka dhacay duleedka deegaanka Baxdo [Warbixin].

Sunday September 25, 2022 - 16:47:38
Liibaan Jeexoow
sawir hore deegaanka Cadakibir
sawir hore deegaanka Cadakibir
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka 'Galmudug' lagu gaarsiiyay dagaallo culus oo maanta ka qarxay deegaanno katirsan Galguduud.
Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Cadakibir ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaad ashaamud ah iyo ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii weerar jidgal ah loo dhigay maleeshiyaadka huwanta ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa oo ka dhacay tuulada Dhisiq shurufle lagu dilay tobaneeyo askari.

Warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in ku dhowaad 60 meyd ay ciidamada 'Galmudug' uga carareen tuulada Dhisiq shurufle islamarkaana ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

Goor sii horraysay oo maanta barqadii aheyd ayaa qarax ka dhacay deegaanka Cadakibir lagu dilay 2 sarkaal oo ilaal u ahaa mid kamida Seneterada aqalka sare ee DF-ka.

Dhinaca kale dagaal culus ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow deegaanka Ceelahele ee gobolka Galguduud, khasaara culus ayaa lasheegay in maleeshiyaadka maamulka 'Galmudug' lagu gaarsiiyay dagaalkii galabta waxaana goobihii lagu dagaallanay u haray ciidamada wilaayada Islaamiga ah.

Related Items