Taliyihii Nabad sugidda degmada Beled Xaawo iyo 4 askari oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gedo.

Sunday September 25, 2022 - 16:43:03
Liibaan Jeexoow
Taafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor'imaad culus oo gobolka Gedo ku dhaxmaray ciidamo katirsan DF-ka iyo xoogag jihaadi ah.
Wararka ka imaanaya deegaanka Carracase oo udhaxeeyay degmooyinka Beledxaawo iyo Garabahaaarey ayaa sheegaya in maanta barqadii ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka ugu yaraan 5 askari oo uu ku jiro taliyihii nabad sugidda degmada Beled Xaawo ayaa ku dhintay dagaalkii maanta kaasi oo lagu magacaabo C/Rashiid Macallin Dhataaye.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana deegaanka lagu dagaallamay ee Carracase si adag udifaacday ciidamada wilaayada Islaamiga Gedo.

Related Items