Taliyihii saadka guutada 5aad ee ciidamada dowladda oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Hiiraan.

Sunday September 25, 2022 - 15:12:55
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo culus oo maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan ayaa sheegaya in halkaas qarax miino lagula eegtay gaari uu la socday sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowlada.

Ugu yaraan 6 askari oo uu kamid ahaa Col. Barre Ceyroow taliyihii qeybta Zaadka guutada 5aad ee ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Qaraxa ayaa burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Garisyaani.

Dhinaca kale qarax culus ayaa duleedka bari ee magaalada Beledweyne lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan maamulka Hirshabelle.

ilo wareedyo ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen illaa 2 askari islamarkaana ay ku dhaawacmeen 4 kale, dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah gacmo duule oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Feerfeer.

Related Items