Muslimiin ku nool magaalo katirsan dalka Hindiya oo loo diiday in ay Tukadaan Salaadaha Faradka ah.

Sunday September 25, 2022 - 14:31:07
Liibaan Jeexoow
Muslimiinta ku dhaqan wadanka Hindiya ayaa wali lakulmaya gabood fallada aadka udaran ee uga imaanaya dadka hinduuska ah ee wadankaas ku dhaqan.
Ciidamada Booliska gobolka Uttar Prade ayaa qaar kamid ah dadka muslimiinta udiiday in ay salaadaha Faradka ku oogaan goobaha caamka arrinkaas oo caro ka dhax dhaliyay muslimiinta.

Muuqaal Video ah oo lagu faafiyay baraha Intenetka ayaa muujinayay gabar muslimad ah oo Salaad ku dhax tukanaysa qol faaruq ah oo kudhaxyaal isbitaalka guud ee magaalada Allahabad.

Baraha bulshada ayaa si aad ah layskula dhaxqaaday in gabadhan muslimadda ah loo diiday tukadashada salaadda kadibna ay ku qasbanaatay in ay ku dhuumato mid kamida qolalka isbitaalkii ay ka shaqeynaysay.

Booliska gobolka Uttar Pradesh ayaa war uu soo saaray ku beeniyay in gabadha muslimadda ah loo diiday tukashada salaadaha Faradka ah, muuqaalka gabadhan ayaa waxaa saacado kooban daawaday dad ka badan 2 malyan oo ruux kuwaas oo si aad ah ula tacaadufayay muslimiinta ladhibaatayno ee ku dhaqan dalka Hindiya.

Related Items